Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Wadaxaajood Nabadeed la Furaya Taalibaan


Wadahadalka Dooxa

Dowladda Mareykanka ayaa si rasmi ah u xaqiijisay iney dib ugu bilowday wadaxaajoodkii nabadeed ee lagula jiray kooxda Taalibaan ka dib saddex bilood oo ay hakad galeen wadahadallo socday muddo sanad ah oo lagu dhameynayay colaadda mudada dheer ka socota dalka Afghanistan.

Zalmay Kalilzad oo ah Mareykan asal ahaan u dhashay dalka Afghanistan ayaa hogaaminaya wadaxaajoodka oo maanta oo Sabti ah ka bilowday magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar halkaasi oo xarun u ah kooxda wadaxaajoodka u qaabilsan Taliban sida ilo dowladda Mareykanka ah u sheegeen VOA.

Ilo wareedkan ayaa sheegaya in Mareykanku uu dib ugu laabtay wadaxaajoodka Doha, kuwaasi oo diiradda lagu saarayo dhameynta rabshadaha iyo in la abuuro xabad-joojin ka hergasha Afghanistan.

Dowladda Qatar ayaa kaalin muhiim ah ka qaadatay wadaxaajoodka Mareykanka iyo Taliban ka hor inta uusan joojin Madaxweyne Trump 7-dii September ee sanadkan isaga oo ka jawaabayay weerar ay Taalibaan ku qaadday magaalada Kaabul oo dadkii ku geeriyooday uu ku jiray askari Mareykan ah.

Hakadka wadahadalladan ayaa yimid waqti muhiim ah oo la filayay in laba dhinac ay gaaraan heshiis suurtogelin karay in ay dalkaasi isaga baxaan askarta Mareykanka ah iyo kuwa kale ee caalamiga ee ku sugan dalkaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG