Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Xaqiijisay in Askar Boolis ah lagu Dilay Weerarkii Al-Shabaab


Mandera County, Kenya
Mandera County, Kenya

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Sabti ah sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu dilay 11 qof oo ay ku jiraan dhowr askari oo ka tirsan booliska ee Kenya, kaasi oo gobolka Waqooyi-Bari ka dhacay galabnimadii shalay.

Dowladda Kenya ayaa maanta faahfaahin ka bixisay qasaaraha weerarkan ka dhashay. Dowladda ayaa bilowday baaritaanka dhacdadan.

Xafiiska Madaxweynaha Kenya ayaa xaqiijiyay in saraakiil boolis ah oo gaaraya 8 askari ay ka mid ahaayeen dadkii lagu dilay weerarkaasi.

Kooxda Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarkan iyagoo sheegay iney ku dileen ilaa 10 ka tirsan waaxaha sirdoonka iyo shaqaalaha dowladda.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa ay ku dhowdahay xadka Soomaaliya iyo Kenya halkaasi oo ay Al-Shabaab inta badan weeraro ka gaysato.

Waryaha VOA ee gobollada Waqooyi Bari ee Kenya Mahad Faarax Shire ayaa warbixintan noo soo diray

Al-Shabaab oo weerartay Waqooyi Bari Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:10 0:00


XS
SM
MD
LG