Isku xirrada

War Deg-Deg ah

8 qof oo ku dhimatay dagaal ka dhacay Mudug


Inta la xaqiijiyay 8 qof ayaa ku geeriyootay, tiro intaas ka baddanna waa ay ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay degaanka Afbarwaaqo, oo hoos taga degmada Jariiban ee gobalka Mudug.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed oo halkaas wada dagan, waxaana wararku ay sheegayaan in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay dhammaantood ahayeen kooxihii dagaalamay.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma yaqaan sababta dhalisay dagaalka.

Odayaal iyo waxgarad ayaa ku baaqaya joojinta dagaalka waxaana sidoo kale socda dadaal lagu doonayo in lagu damiyo xiisadda.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo kasoo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

Dagaal ka dhacay Mudug
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:24 0:00


XS
SM
MD
LG