Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo 'rajeyneysa' in Corbyn looga adkaado doorashada UK


Wasiirka arrimaha dibedda Israel ayaa maanta sheegay inuu rajeynayo in Jeremy Corbyn looga adkaado doorashada toddobaadka xiga ka dhaceysa UK, sababtuna ay tahay eedeymo ku saabsan Yahuud naceybka ee la degay hoggaamiyaha xisbiga Labour-ka.

Hogaamiyayaasha Israel ayaa dhowaanahan ka hadlayey doorashada Britain ayada oo Yahuudda UK ay walaac ka qabaan in Corbyn loo doorto ra’iisul wasaare, kuwaas oo qaarkood xitaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ka haajiraan UK, haddii uu guuleysto.

Wasiirka arrimaha dibedda, Israel Katz oo maanta la hadlayey Raadiyaha ciidamada Israel, ayaa sheegay in Israel aysan faro-gelin doonin doorashada dal kale, balse shakhsiyan uu rajeynayo in Corbyn aan la dooran.

Xisbiga Labour-ka weli kama jawaabin hadalka Israel.

Katz ayaa si kastaba hoos u dhigay suurta-galnimada in haddii la doorto Corbyn uu hoos u dhici doono xiriirka amni ee Britain iyo Israel, oo ay ku jirto inay wadaagaan sirdoonada la xiriira dhaq-dhaqaaqyada kooxaha Islaamiyiinta.

“Hoggaamiyayaasha dantooda gaarka ah darteed uma waxyeeleeyaan dalkooda, balse waan ka wada hadli doonnaa taas.”

Corbyn ayaa marar badan diiday eedeymaha ku saabsan inuu neceb yahay Yahuudda.

Reuters

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG