Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Samafale u dhashay Japan oo lagu dilay Afghanistan


Rag hubeysan oo aan la aqoon ayaa toogasho ku dilay samafale u dhashay Japan iyo shan ruux oo la shaqeyneysay oo ku sugnaa bariga dalka Afghanistan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in toogashada ay ka dhacday magaalada Jalalabad ee caasimadda gobolka Nangarhar, Arbacada maanta ah.

Afhayeen u hadlay maamulka gobolka Nangarhar ayaa VOA-da u sheegay, in Dr Tetus Nakamura iyo xubno kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee hey’adda JMS ee Japan laga leeyahay, ay safar gargaar ku jireen markii weerarka ay la kulmayeen.

Attaullah Khogyani ayaa sheegay in Nakamura oo ahaa madaxa hey’ad aan dowli aheyn oo si xun u dhaawacmay loo qaaday isbitaalka si loogu dabiibo, laakiin uu markii dambe u dhintay dhaawaca.

Darawalkii gaariga u waday oo u dhashay Afghanistan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa ka mid ahaa dadkii la dilay.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay gobolka Nangarhar, halkaas oo ay ku sugan yihiin kooxda Taliban iyo xagjiriinta xiriirka la leh.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG