Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kamala Harris oo Hartay Tartanka Doorashada Mareykanka


Sen. Kamala Harris

Senator Kamala Harris ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqday in ay isaga hartay tartanki ay ugu jirtay in ay noqoto musharraxa ugu danbeeya ee xisbiga dimoqraadiga ee madaxweyne Trump kula tartami doona doorashada sannadka 2020-ka.

Harris oo ah mudane dimoqraadi ah oo ka tirsan Golaha Senetka Mareykanka, ayaa sheegtay in sababo dhaqaale aawadood aysan sii wadi karin ololaheedii doorashada.

Kamala Harris oo ay iska dhaleen hooyo iyo aabo muhaajiriin ah oo kasoo kala jeeda dalalka India iyo Jamaica, ayaa soo gashay tartanka musharaxnimada dimoqraadiga ee doorashada madaxweynaha, bishii Jannaayo ee sannadkaan, waxana markiiba ay kasbatay taageerayaal fara badan, hasee yeeshee bilooyinki ugu danbeeyay hoos ayay u sii dhaceysay taageerada ay ka heysato dimoqraadiga.

Musharaxiinta xisbiga dimoqraadiga ee ku loolamaya is-reeb-rebeka qofka noqon doona musharaxa ugu daneeya ee sannadka foodda innagu soo haya madaxweyne Trump kula baratami doona doorashada madaxtinimada Mareykanka, ayaa gaaraya 15 murashax, halki ay awal ahaayeen 25.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG