Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Erdogan oo difaacay heshiiska badda ee ay la galeen Libya


Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ku gacan seeray dhalleeceymaha loo jeedinayo heshiis ay la galeen Libya oo Aknara u ogolaanaya inay hesho xuquuqda dhul-badeed baahsan, oo sidoo kale ay raadinayeen dalal ay ka mid tahay Greece.

Heshiiskan oo Turkiga uu 27-kii November magaalada Istanbul kula saxiixday ra’iisul wasaaraha dowladda la aqoonsan yahay ee Libya Fayed al-Sarraj ayaan weli laga helin faah-faahin buuxda.

Hase yeeshee wabixino warbaahineed qaarkood ayaa sheegaya inuu saddex meelood meel kordhinayo qalfoof-badeedka Tukrey, una ogolaanayo inay hesho dhul-badeed dhowaan la ogaaday inay ka buuxaan gaas iyo saliid oo dhaca bariga badda Mediterranean-ka.

Heshiiska ayaa dhul-badeedkan u diidaya dalalka Greece, Cyprus iyo Masar, oo sidoo kale raadinayey.

‘Tani waa xuquuq madax-banaani oo ay leeyihiin Libya iyo Turkey,” ayuu Erdogan u sheegay weriyayaasha isaga oo ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Ankara, ka hor inta aanu u bixin shirka NATO ee London.

Greece ayaa ku hanjabtay inay cayrin doonto safiirka Libya, haddii aan loo soo gudbin faah-faahinta heshiiska.

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in Akara ay QM u gudbin doonto aageeda cusub ee dhaqaalaha (EEZ) marka heshiiska uu ansixiyo baarlamanka Turkey.

XS
SM
MD
LG