Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisal Wasaaraha Ciraaq oo Is-casilay


Baarlamaanka Ciraaq ayaa ogolaaday iscasilaad uu Sabtidii shalay u gudbiyay Ra’isulwasaare Adel Abdul Mahdi, kaddib kulan aan caadi aheyn oo ay maanta ku yeesheen magaalada Baghdad.

Isaga oo tixraacayay qodobka 76 ee dastuurtak dalkaasi, ayuu afhayeenka baarlamaanka Mohammad al-Halbusi Axadda maanta ah sheegay, in madaxweyne Barham Saleh weydiisan doono xisbiga ugu weyn baarlamaanka in uu soo magacaabo Ra’isulwasaare cusub.

Ra’isulwasaaraha Ciraaq ayaa Jimcihii ku dhawaaqay inuu xilka ka dagayo, kaddib cadaadis aan kala go’laheyn oo uga imanaya shacabka, kuwaasoo tan iyo bishii October waday mudaaharaadyo ka dhan ah xukuumadda.

Dhanka kale, dhamaan magaalooyinka waaweyn ee dalka Ciraaq ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbaxyo ay shacabka ugu baroor diiqayaan dadki lagu dilay bannaanbaxyada.

Meelaha maanta laga soo baxay waxaa ka mid ah magaalooyinka ay dagaan Sunniyiinta oo ay dadku ka gaabsanayeen dibadbaxyada iyaga oo ka baqayay in ay dhibaato kasoo gaarto xukumadda ay majaraha u hayaan dadka Shiicada ah.

In ka badan 400 oo qof ayaa ku dhintay bannaanbaxyada ka socda Ciraaq tan iyo bishii October ee sanadkaan.

XS
SM
MD
LG