Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo dib u billaabaya wada-hadallada Taliban


Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo booaqsho aan la shaacin ugu tagay ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan ayaa sheegay in maamulkiisa ay dib u billaabayaan wadahadallo nabadeed ee kooxda Taliban.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu rajeynayo in kooxda Taliban ay xabad joojin sameeyaan.

Warkan ayaa imaanaya saddax bilood kadib markii madaxweyne Trump uu si aan la filaynin u joojiyay wadaxajoodkii u socday Mareyankanka iyo Taliban, xilligaas oo labada dhinac ay ku dhowaadeen inay gaaraan heshiis lagu soo afmeerayo dagaalka 18 jirsaday ee ka socda Afghanistan.

Trump ayaa sheegay in Taliban ay heshiis doonayaan, laakiin iyaga ay eegayan haddii ay dhab ka tahay heshiis doonista.

Waxa uu tilmaamay sababta ay heshiiska u doonayaan inay tahay shaqada wanaagsan ee ay qabteen ciidamada Mareykanka, oo uu u mahad celiyay.

Heshiis kasta oo ay gaaraan labada dhinac ayaa waxaa xuddun u noqon doona in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Afghanistan, ayada oo taa beddelkeeda Taliban ay sameynayaan ballan-qaadyo dhowr ah oo amni, wada-hadallo nabadeed oo ay la yeeshaan dowladda dalkaasi, iyo ugu dambeyn xabad joojin.

Dagaalka ayaa soo billowday 18 sanadood ka hor xilligaas oo Mareykanka iyo isbhahaysigiisa ay doonayeen in Afghanistan ay ka cirirb tiraan kooxda Taliban oo gabbaad siisay hogaamiyeyaasha ururka Al-Qaacida, kuwaas oo ka dambeeyay weerarkii 11-kii September 2001 lagu qaaday Mareykanka.

XS
SM
MD
LG