Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxaha kacdoonka Hong Kong oo guulo ka gaaray doorashada


Xoogagga dimoqoraadiga u ololeeya ee Hong Kong ayaa guul ka gaaray doorashooyinkii deegaanka ee Axaddii, taas oo tirada ugu badan ee cod-bixiyaayasha ay farriin ugu direen maamulka heysta taageerada Beijing.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa ku guulaysaty 90 boqolkiiba kuraastii loo tartamayay, sida uu baahiyay telefishinka Hong Kong.

Dimoqraadiyiinta ayaa maamuli doona aqlibaiyadda golaha deegaanka, iyagoo heysta 17 kamid ah 18-ka kursi ee wakiillada deegaanka, kadib muddo dheer oo wax kursi ah aysan kusoo laheyn golahaas.

Cod-bixinta ayaa dhabar jab weyn ku noqoneysa maamulka uu Shiinahu taageero, kuwaas oo muddo soo maamulayay siyaasadda Hong Kong.

Caddeyntii ugu dambeysey ayaa ka dhigan sii sosocoshada taageerada dadweynaha ee dhaqdhaqaaqa dimuqoraadiyadda ee shanta bilood taas oo noqotay mid si xooggan usii kordhaysa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG