Diba-dbax la qorsheeyey inuu maanta ka dhaco magaalada Tehran ayaa dunida tusi doona cidda ay yihiin Iraaniyiinta “dhabta ah”, waxaa sidaas sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas, oo la-yaab ku tilmaantay in dowlado shisheeye ay taageerayaan dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda.
Dibad-baxyada oo markii hore ka dhashay qiimo kordhin lagu sameeyey gaaska, ayaa isku beddalay kuwa ka dhan ah dowladda, oo lagu gubay ugu yaraan 100 banki iyo tobaneeyo dhismooyin kale ah.
Waa rabshadihii ugu xumaa ee Iran ka dhaca tan iyo markii Iran ay damisay “Kacdoonkii Cagaranaa” ee 2009, markaasi oo tobaneeyo qof ay ku dhinteen dibad-baxyo socday bilo.
Iran ayaa dibad-baxyada hadda socda ku eedeysay inay ka dambeeyaan “dambiilayaal” xiriir la leh mucaarad dalka dibad-joog ka ah iyo dowlado ay ka mid yihiin Mareykanka, Israel, iyo Saudi Arabia.
Kadib dibad-baxyo ay dowladda agaasintay oo maalmihii lasoo dhaafayey ka dhacayey dhowr magaalo, Iran ayaa maanta dibad-bax weyn oo dowladda lagu taageerayo ku qabanaysa magaalada caasimadda ah, halkaas oo la filayo inuu ka hadlo taliyaha ciidamada kacaanka Islaamiga ah.
“Waxaan kula talinaa dowladaha shisheeye inay eegaan dibad-baxa maanta, si ay u arkaan cidda ay yihiin Iiraaniyiinta dhabta ah,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Abbas Mousavi.
Reuters