Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadweynaha Guinea-Bissau oo Dooranaya Madaxweyne


Dalka Guinea-Bissau ayaa maanta dadweynuhu u dareereen goobaha codbxinta si ay u soo doortaan madaxweyne cusub.

Madaxweyne Jose Mario Vaz ayaa ka mid ah 12 musharax oo u tartamaya iney hogaamiyaan dalkan ku yaalla galbeedka qaaradda Afrika. Vaz ayaa ah madaxweynihii u horreeyey ee si dimuqraadi ah loo doorto ee dhameysta muddo xileedkiisa taariikhda dalkaaasi.

Waxa uu u ordayaa in dib loo doorto markale. Hase ahaatee waxa uu wajahayaa tartan adag oo kaga imanaya Carlos Gomes Junior iyo Domingos Simoes Pereira oo labaduba hore dalkaasi uga soo noqday ra’isulwasaareyaal.

Haddii aanu musharaxna ku guuleysan in kabadan 50%, waxaa la aadi doonaa doorasho kale oo la qabanayo bisha danbe.

Guinea-Bissau ayaa muddaba waxaa la degay xasilloni-darro siyaasadeed, saboolnimo, musuq maasuq, iyo dhoofinta iyo ka ganacsiga daroogada.

Madaxweyne Vaz ayaa 2015-kii shaqada ka eryey ra’isulwasaarihiisii Pereira, taasi oo dhalisay isqabqabsi siyaasadeed oo u dhexeeya isaga iyo xisbiga talada haya ee PAIGC.

Baarlamaanka dalkaasi ayaa lagu waramayaa inuusan muddo sanado meelmarin wax sharciyo ah.

Wakaaladda wararka AFP ayaa ku warameysa in 1.8-da milyan ee qof ee dalkaasi ku nool ay la tacaalayaan “saamileyda siyaasadda ee boobaya dhaqaalaha waddanka.”

Guniea-Bissau oo uu Bortaqiisku soo gumeystay ayaa ka mid ah dalalka ugu saboolsan caalamka.

XS
SM
MD
LG