Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku dhintay diyaarad ku dhacday Congo


Diyaarad nuuca Dornier 228 oo dhulka fadhida
Diyaarad nuuca Dornier 228 oo dhulka fadhida

Ugu yaraan 19 qof oo isugu jray rakaab iyo shaqaalihi diyaaradda ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen, kaddib marki ay diyaarad nuuca yar ay ku dhacday xaafado la daganyahay oo ku yaalla magaalada Goma ee dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Goob joogayaal ayaa sheegay, in diyaarada ay ku dulburburtay guryo ku yaalla xaafaddaMapendo ee magaalada Goma, halkaas oo laga cabsi qabo inuu ka dhasho khasaaro nafeed.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Dornier-228 ayaa kusii jeedday magaalada Beni oo 350 km u jirta magaalada Goma, waxana ay dhacday in yar kaddib marki ay ka kacday garoonka Goma.

Dadka dhintay ayaa isugu jira 17 qof oo rakaab ahaa iyo lab aka mid ahaa shaqaaliyihi diyaaradda.

XS
SM
MD
LG