Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Natiijada Afti Qowmiyadda Sidama ee Ethiopia oo Lagu Dhawaaqay


Aftida qowmiyadda Sidama

Waxaa lagu dhawaaqay natiijada afti laga qaaday Arbacadii dadka laga tirada badanyahay ee Sidama ee dega qeyb ka mid ah koonfurta dalka Ethiopia. Aftidan ayay qowmiyadda Sidamadu ku doonayeen inay ku yeeshaan dowlad-goboleed la mid ah kuwa qowmiyadaha kale ee Ethiopia ay leeyihiin.

98.51% dadkii codeeyay oo lagu qiyaasay 2.3 malyuun oo qof ayaa “haa” ku taageeray dhismaha maamul goboleed ay dadkoodu yeeshaan.

Dadka ku nool Sidama ayaa muddo dheer halgan ugu jiray sidii ay ku heli lahaayeen maamul u gaar ah.

Aftidan laga qaaday Sidama iyo natiijada ka soo baxdayba waxa ay tijaabo u aheyd awoodda dowladda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ay u leedahay xakameynta dareenka wadaniyadda qowmiyadaha ku saleysan ee Ethiopia ku xoogeystay, taasoo halis dhinaca kala qeybsanaanta ah ku heysa dalka.

Hadaba Maxay natiijadan uga dhigantahay Ethiopia? Xageese uu ku dambeeyay halgankii qowmiyadaha qaar ay ugu jireen in ay gooni isaga taagaan Ethiopia?

Su’alahan iyo kuwo kale ayaa Maxamed Cabdi Xassan waxa weydiiyay Maxamud Sheikh Cabdullahi Mursal, oo arrimaha Ethiopia ka faalooda, isagoo dalka Finland ku suggan ayuu khadka taleefanka kula xiriiray.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:20 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG