Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Internet la'aanta ka jirta Iran oo gashay maalintii lixaad


Internet la’aan ka jirta Iran oo looga dan leeyahay in lagu caburiyo dibad-baxayaasha kasoo horjeeda dowladda ayaa galay maalintii lixaad, ayada oo mas’uuliyiinta ay si tartiib tartiib ah usoo celinayaan.

Kooxda fadhigeedu yahay London ee Internet-ka la socota ee NetBlocks ayaa sheegtay in internet la’aanta guud ee ka jirta Iran ay hadda u muuqato inay kasoo reeneyso kadib 113 saac oo xiriir ah.

Kooxdan ayaa sheegtay in illaa iyo hadda lasoo celiyey 15% internet-ka dalka.

Isaga oo la hadlayey weriyayaasha, ayaa ayaa xoghahaya golaha sare ee Internet-ka Iran, Abolhassan Firouzabadi waxa uu sheegay in ay dhowaan go’aan buuxa ka qaadan doonaan in internet-ka lasoo wada celinayo iyo in kale.

Mas’uuliyiinta Iran ayaa sheegay in sababta ay Internet-ka u jareen ay tahay inay ka hortagaan in mucaaradka ay online-ka kula xiriiraan islamarkaana ku kaciyaan dibad-baxayaasha.

Internet la’aanta ayaa dhaawac xooggan gaarsiisay dhaqaalaha Iran oo markii horeba ay waxyeelo kasoo gaartay cuanqabateenada Mareykanka.

XS
SM
MD
LG