Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trudeau oo magacaabay wasiiro uu ku jiro Axmed Xuseen


Ahmed Hussein
Ahmed Hussein

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa shalay galab magacaabay golahiisa wasiirrada oo ka kooban 36 wasiir, taasoo ka badan tii sanadkii 2015-kii.

Trudeau ayaa golihiisa wasiirrada si siman ugu qeybiyay ragga iyo dumarka, isagoo u magacaabay min 18 wasiir.

Axmed Xuseen oo ah Soomaali, horeyna u ahaa wasiirka socdaalka Jinsiyadaha iyo arrimaha qaxootiga, ayaa markale nasiib u yeeshay inuu ka dhex muuqdo golaha wasiirrada.

Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa magacaabista golaha wasiirrada ka wareystay Professor Xuseen Warsame oo bare ka ah jaamacadda Calgary ee gobolka Alberta, oo uu khadka taleefonka kula xiriiray.

Waxa uu ugu horreyn waydiiyay waxa ay ka dhigan tahay in ra’iisul wasaaraha uu soo dhiso dowlad aan heysan codad aqlabiyad ah, isagoo aanan wax taxaaluf ah la sameysan xisbiyada kale.

Trudeau oo magacaabay wasiiro uu ku jiro Axmed Xuseen
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:31 0:00


XS
SM
MD
LG