Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxayaal kale oo lagu dilay Iraq


Ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay isku-dhacyadii ugu dambeeyey ee magaalada Baghdad ku dhex mara ciidamada ammaanka Ciraq iyo dibad-baxayaasha kasoo horjeeda dowladda.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dibad-baxayaasha la dilay kadib markii booliska ay ku rideen gasacado ay ku jiraan sunta dadka ka ilmeysiisa, si ay uga celiyaan buundada Sinak.

Dibad-baxayaasha ayaa la wareegay Sinak iyo laba buundo oo kale oo kala ah Ahrar iyo Jumurhiya, kuwaas oo dul mara webiga Tigris, islamarkaana aada Aagga Cagaaran ee sida weyn loo ilaaliyo, oo xarun u ah dowladda Iraq.

Dibad-baxyada oo bishii October u billowday sababo la xiriira shaqo la’aan iyo adeeg xumo dowladeed, ayaa sii baahay waxaana kusoo biiray eedeymo la xiriira musuq-maasuq iyo sinaan la’aan dhaqaale oo loo jeedinayo dowladda.

Dibad-baxayaasha ayaa dalbanaya in is-beddel buuxa lagu sameeyo dowladda Iraq.

Ciidamada ammaanka ayaa rasaas iyo bambooyinka sunta dadka ka ilmeysiiya u adeegsaday banaan-baxayaal aan hubeysneyn, ayaga oo ilaa iyo hadda 320 qof, islamarkaana dhaawacay kumanaan.

Isniintii, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa saraakiisha Iraq uga digay in Washington ay ka fakari doonto inay cunaqabateyn saarto saraakiisha mas’uulka ah rabshadaha ama musuq-maasuqa

XS
SM
MD
LG