Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Mareykan ah oo ku geeriyootay Afghanistan


Militariga Mareykanka ayaa maanta sheegay in laba askari ay ku dhinteen diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo kusoo dhacday dalka Afghanistan.

Sababta ay diyaaradda usoo dhacday ayaa waxaa ku socda baaritaan. Si kastaba, warbixinno hordhac ah ayaa tilmaamay in diyaaradda aysan kusoo dhicin weerar uga yimid cadowga.

Dhimashadii ugu dambeysay ayaa tirada guud ee askarta Mareykanka sanadkan uga geeriyootay dalka Afghanistan waxay ka dhigaysaa 18 askari.

Goor sii horeysay, kooxda Taliban ayaa sheegatay in dagaal-yahanadeeda ay gobolka bari ee Logar kusoo rideen diyaarad ay leeyihiin militariga Mareykanka oo nooceedu yahay Chinook.

Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay in diyaaraddaas loo soo diray inay weerarto saldhig ay muqaawamada ku leeyihiin aagga.

Way adag tahay in ilo-wareedyo madax banaan laga xaqiijiyo in diyaaradda ay ka hadlayaan Taliban ay tahay midda ay Mareykanka sheegeen inay soo dhacday.

Dhinaca kalena, weerar ay Taliban xalay ku qaaday saldhig militari oo ku yaalla gobolka Waqooyi ee Kunduz ayaa waxaa lagu dilay 13 ka tirsan askarta dowladda Afghanistan, ayada oo dhowr kalena lagu dhaawacay.

XS
SM
MD
LG