Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn ka dhacday Kuunyo Barrow oo lagu dilay xubin Shababa ah


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqayn ka dhacday magaalada Kuunyo Barrow lagu dilay xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab.

War saxaafadeed kasoo baxay dawladda Soomaaliya ayaa la gu sheegay in weerarkan la qaaday iyadoo iskaashi lala samaynayo milatariga Maraykanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaan dad rayid ah waxba kasoo gaarin duqayntan oo dhacday maanta oo talaada ah.

Maraykanka ayaa sannadkan Soomaaliya ka gaystay ku dhowaad 60 duqaymood kuwaasi oo lala kala beegsaday ururada Al-Shabaab iyo Daacish.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG