Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo sii daysay maxaabiis reer galbeed ah


Kooxda Taliban ayaa sii deysay Talaadadii la haystayaal reer galbeed ah oo muddo dheer ay heysteen, iyagoo fulinaya heshiis ku aaddan maxaabiis is-weydaarsi, waxana dhankooda ay filayaan in loo soo daayo seddex ka mid ah saraakiishooda sar sare.

Ilo wareedyo ku dhow kooxdaasi ayaa sheegey in dadka ay sii deysay Taliban ay kala yihiin Kevin King oo Mareykan ah iyo Timothy Weeks oo Australian ah, kuwaas oo xurriyaddooda loogu soo celiyay gobolka koonfurta ku yaalla ee Zabul.

King iyo Weeks oo labaduba ah macallimiin wax ka dhiga jaamacadda American University ee Kabul ayaa la qafaashay bishii August ee sanadkii 2016, xilli ay ku sugnaayeen bannaanka xarrunta jaamacadda.

Sii deynta labadaasi xubnood ayaa timid saacado un ka dib markii seddex sarkaal oo Talibaan ka tirsan loo duuliyay dalka Qatar, arrintaasi oo qeyb ka ah heshiis maxaabiis is dhaafsi ah.

Seddexda sarkaal ee loo duuliyay Qatar ayaa waxay kala yihiin Anas Xaqani, Haji Mali Khan iyo Xafiz Rashid, kuwaas oo dowladda Afghanistan ay soo xirtay sanadkii 2014.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay isbuucii la soo dhaafay qorshaha maxaabiis is dhaafsiga, si ay arrintaasi u fududeyso wada hadallo toos ah oo lala yeesho kooxda Taliban.

XS
SM
MD
LG