Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xubno kale oo ka markhaati furaya kiiska baaritaanka Trump


Trump Impeachment
Trump Impeachment

Sharci dajiyayaasha Mareykanka ee wada dacwada ka dhanka ah madaxweyne Donald trump ayaa todobaadkan markhaati furayaal kale ka wareysanaya qaabka uu madaxweynuhu ugu cadaadiyey mas’uuliyiinta dalka Ukraine in ay baaritaan ku furaan madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden.

Siddeed xubnood oo wali qaarkood u shaqeeyaan dowladda ayaa la filayaa inay toddobaadkan hortagaan guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiilada.

Dhageysigan xubnahan ayaa si toos ah looga daawan doono taleefishinada.

Gordon Sondland, oo ah danjirihii hore ee Mareykanka u u fadhiyey Midowga Yurub ayaa ah xubinka ugu sarreeya ee markhaati furayaasha.

Wareysiyadii hore ee uu bixiyey Mr Sondland, oo ugu deeqay ololihii Donald Trump hal milyan oo dollar ka hor intii aan loo magacaabin danjiraha Brussels ee Mareykanka, ayuu ku sheegay in uu horaantii bishii September uu u sheegay mid ka mid ah gacan yarayaasha madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy in aanay heli doonin taageerada Malateri ee Mareykanka, ka hor inta aanay kiis dacwad aan qarsooneyn ku furin Joe Biden.

Waa arrinka lafdhabarka u ah baaritaanka ay wadaan sharci dejiyayaasha Aqalka Wakiilada ee ay ku doonayaan in ay madaxweyne Donald Trump kusoo oogaan dacwada ay doonayaan in xilka lagaga xayuubiyo.

Madaxweyne Donald Trump ayaa isagu beeniyey in uu wax khalad ah ku kacay.

XS
SM
MD
LG