Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roger Stone oo lagu helay dambiyadii lagu eedeeyey


Roger Stone oo saaxib iyo xulufo muddo fog la ah madaxweyne Donald Trump ayaa lagu dambiyadii lagu soo eedeeyey ee uu hortaagnaa maxkamadda federalka Mareykanka ee Washington DC.

Stone ayaa lagu soo oogay toddoba xisaab dacweed oo ay ku jiraan inuu sharci-dejiyayaasha Mareykanka uga been sheegay xiriirka WikiLeaks, uu faro geliyey marqaati furayaal, islamarkaana is hortaagay baaritaanka guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiilada Mareykanka.

Maxkamadeyntiisa ayaa iftiimisay sida xubnaha guddigii ololaha madaxweyne Donald Trump ay uga go’neyd inay helaan akhbaaro la xiriira emailo dhaawacayey Hilary Clinton oo la jabsaday kuwaas oo uu baahinayey website-ka sirta faafiya ee WikiLeaks.

Dacwad oogayaasha Mareykanka ayaa sheegay in Stone uu Congress-ka Mareykanka uga been sheegay wada-sheekeysi ku saabsan WikiLeaks oo uu la yeeshay Randy Credico oo ka hadla radio ku yaalla New York iyo Jerome Corsi oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu isku dayey inuu cabsi geliyo Credico uguna hanjabay inuu ka qaadayo eygiisa.

Stone ayaa beeniyey eedeymahan, wuxuuna ku qeexay kuwa ay siyaasad ka dambeyso.

AP

XS
SM
MD
LG