Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya


Bangladesh Rohingya
Bangladesh Rohingya

Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ee ahaa in la furo baaritaan lagu sameeyo danbiyo laga galay dadka laga tira badan yahay ee Muslimiinta ah ee Rohingya ha loo yaqaan ee dalkaasi Myanmar.

Maxkamadda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in guddiga garsoorayaal ah oo darsay codsi ay soo gudbisay dacwad oogaha maxkamdda Fatou Bensouda ay kusoo gabagabeeyeen in ay jiraan sababao lagu rumeysan karo in uu dhacay rabshado baahsan, kuwaas oo tilmaamaya in lagu kacay fal danbiyeed ka dhan bani’aadannimada.

Hay’adda Human Rights Watch ee u doodda xuquuqda aadamiga ayaa ku tilmaantay go’aankan mid raja cusub gelinaya dhibanayaasha taasi oo ay ku arki karaan in kuwii mas’uulka ka ahaa danbiyadii ka dhanka ahaa bulshada rohingaha caddaaladda la horkeeno.

“Dhibanayaasha Rohingaha waxay ugu danbeyn heli doonaan maalin caddaaladeed” ayuu yiri Param-Peet Singh oo ah agaasime ka tirsan Human Rights Watch.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xukuumadda Mynamar oo ku aaddan go’aankan inkastoo warsaxaafadeedyo horey ay dowladdu usoo saartay ay ku sheegtay ineysan la shaqeyn doonin maxkamadda danbiyada dagaalka.

Eedeymahan ayaa yimid ka dib olole military oo ciidamada dowladda Myanmar ay bilaabeen bishii august ee samadkii 2017. Howlgalkaasi ayaa barakiciyey ilaa todobo boqol oo kun oo qowmiyadda rohingaha ah kuwaasi oo u qaxay dalka deriska ah ee Bangaladesh si ay uga cararaan waxa loogu yeeray olole isir sifeyn ah oo ay ku jiraan kufsi baahsan, xasuuq iyo gubista guryaha dadka rayidka ah.

XS
SM
MD
LG