Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxayaal kale oo maanta lagu dilay Baghdad


Afar dibad-baxayaal oo kale ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Baghdad kadib markii lagu dhuftay bambooyinka sunta dadka ka ilmeysiisa, sida ay kooxaha caafimaadka u sheegeen wakaaladda wararka AFP.

Waa dhimashadii ugu dambeysay ee ka dhalata wax ay kooxaha xuquuqda aadanaha ku qeexeen “arxan-darro” iyo si xun u isticmaalka hubka.

Kooxaha caafimaadka ayaa sheegay in dibad-baxayaasha la dilay ay ku sugnaayeen fagaaraha Tahrir, oo ah xuddunta banaan-baxyada toddobaadyada socda ee lagu raadinayo isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca dalkaas.

QM ayaa horey u diiwaan gelisay dhimashada 16 qof oo ka dhashay bamooyinka sunta dadka ka ilemysiisa ee heerka militari, kuwaas oo 10 jeer ka awood badan kuwa caadiga ah.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in dibad-baxayaasha ay asiibeen dhaawacyo halis ah iyo dhimasho kadib markii bambooyinka ay uga qarxeen madaxa.

In ka badan 330 qof, oo badankood ah dibad-baxayaal ayaa geeriyooday, tan iyo markii banaan-baxyada ay 1-dii October ka qarxeen magaalada Baghdad iyo koonfurta dalkaas ee Shiicadu ay ku badan tahay.

AFP

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG