Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Islamic Jihad iyo Israel oo xabad-joojin ku heshiiyey


Israel Palestinians
Israel Palestinians

Kooxda muqaawamada Falastiin ee Islamic Jihad ayaa maanta sheegtay inay joojisay gantaalladdi ay ku garaaceysay Israel, kadib markii labada dhinac ay gaareen xabad-joojin ay ka shaqeysay Masar.

Afhayeen u hadlay Islamic Jihad ayaa sheegay in xabad-joojinta ay dhaqan gashay subaxnimadii Khamiista, ayna qeyb ka ahayd in Israel ay ogolaatay dhowr shuruud oo ay ku jirto inay joojiso dilal beegsiyada ka dhanka ah hoggaamiyayaasha kooxda.

Wasiirka arrimaha dibedda Israel, Israel Katz ayaa raadiyaha ciidamada u sheegay in ciidamada Israel ay ka fogaan doonaan inay fuliyaan weeraro dheeri ah, haddii Falastiniiyiinta ay sii wadaan deganaanshaha.

Hase yeeshee waxa uu beeniyey in Israel ay beddeshay sayaasaddeeda, isaga oo sheegay inaysan ka laba labeyn doonin inay beegsato qof kasta oo isku dayaya inuu waxyeeleeyo.

Duqeyn ay fulisay Israel ayaa talaadadii lagu dilay taliye ka tirsan Islamic Jihad oo ku sugnaa Gaza. Taasi waxay dhalisay gantaallo aargudasho ah oo ay muqaawamada Falastiin ku garaaceen Israel, iyo duqeymo xigay oo Israel ay fulisay.

Dagaalka oo socday laba maalmood ayaa waxaa ku dhintay 32 qof oo Falastiiniyiin ah. Wax dhimasho ah lagama soo werin dhanka Israel.

XS
SM
MD
LG