Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhageysiga xil ka-xayuubinta Trump oo si shaacsan u billaabatay


Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta furay dhageysi si toos ah looga daawanayo taleefishinka oo ku saabsan in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Trump iyo in kale.

Xubnaha Dimoqraadiga ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa isku dayaya inay dadweynaha ka dhaadhiciyaan in madaxweynaha uu ku xadgudbay awooddiisa si uu dano siyaasadeed ugu gaaro.

Sii-hayaha safiirka Mareykanka ee Ukraine William Taylor iyo ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee arrimaha Yurub iyo Eurasian George Kent ayaa ku hor marqaati furaya guddiga sirdoonka ee Aqalka Wakiilada.

Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu eedeynayaa inuu celiyey gargaar dhan 391 milyan oo dollar oo Mareykanka ugu talo-galay Ukraine, isaga oo shuruud uga dhigay in dowladda dalkaas ay baaritaan ku sameysay Hunter Biden, oo ah wiilka madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden oo hadda ah musharax madaxweyne.

Hunter Biden ayaa la shaqeynayey shirkad laga leeyahay Ukraine oo ka shaqeysa gaaska dabiiciga ah.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in xubnaha ku hor marqaati furaya Aqalka Wakiilada ay markii horeba ay ahaayeen “kuwa aan marnaba isga ogoleyn.”

XS
SM
MD
LG