Isku xirrada

War Deg-Deg ah

7 qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Kabul


7 qof ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay caasimadda Afghanistan ee Kaabul. 10 qof oo kale oo ay caruur ku jirto ayaa qaraxa ku dhaawacmay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Nasrat Rahimi ayaa Twitter-ka ku sheegay in qaraxa oo dhacay subaxnimadii hore ee maanta lala beegsaday gaari ay lahayd shirkad dhanka ammaanka ka shaqeysa oo ajnabi ah.

Waxa uu sheegay in 4 qof oo shaqaale ajnabi ah oo shirkaddaasi la shaqeynayay uu dhaawac soo gaaray.

Ma jirto koox ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Kooxda Taalibaan iyo kooxaha kale ee xagjirka ah ee xiriirka la leh Daacish ayaainta badan sheegta mas’uuliyadda weerarada qarax ee ka dhaca Afghanistan.

Qaraxa maanta ayaa yimid maalin uun ka dib markii madaxweynaha Afghanistan uu xabsiga ka soo sii daayay saddex xubnood oo sarsare oo ka tirsan kooxda Taalibaan, iyadoo taasi looga bedelanayay in Taalibaan ay dhankeeda soo sii deyso maxbuus u dhashay Mareykanka iyo mid kale oo u dhashay dalka Australia.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG