Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia: Mareykanka ugaarsi ayuu ku hayaa muwaadiniinteena


Russia ayaa maanta ku eedeysay Washington inay ugaarsi ku hayso muwaadiniinteeda ku kala sugan daafaha dunida, waxayna sheegtay inay u gudbisay cabahso diblomaasiyadeed oo rasmi ah.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Israel ay Mareykanka u gacan gelisay nin Russian ah, kaasi oo wejihi doono dacwado la xiriira dambiyo halis ah oo xagga internet-ka ah.

Wasaaradda cadaaladda Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay in Alexei Burkov oo 29 jir ah uu yimid Mareykanka, islamarkaana uu maxkamad kasoo muuqday, ayada oo wada-shaqeyntaas uga mahad-celisay Israel, halkaas oo lagu xiray sanaddii 2015.

Burkov ayaa lagu eedeeyey dambiyo dhowr ah, oo ay ku jiraan qiyaameyn lacago online-la la isugu gudbiyo, jabsasho computer, xatooyo aqoonsi, iyo been xalaaleyn lacag, sida lagu sheegay bayaanka.

Burkov, oo beeniyey inuu wax qalad ah sameeyey, ayaa wajahaya tobaneeyo sano oo xabsi ah haddii dambiga lagu helo, waxaana uu sanado badan si aan guul ku dhammaan uu isugu dayayey inuu ka hortago in loo masaafuriyo Mareykanka.

Safaaradda Ruushka ee Mareykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay masaafurintiisa.

“Go’aan cabasho oo rasmi ah ayaa laga qaaday Washington oo ugaarsi ku haysa muwaadiniinteena ku sugan daafaha dunida,” ayaa lagu yiri bayaanka.

REUTERS

XS
SM
MD
LG