Isku xirrada

War Deg-Deg ah

China oo Pompeo ku eedeysay inuu wado 'dagaal qabow'


China ayaa maanta ku eedeysay Mike Pompeo “fikirka dagaal qabow oo waqtigiisu dhacay”, kadib markii xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka uu ka digay halista China ay ku hayso xoriyadaha Reer Galbeedka.

Pompeo, oo ka hadlay dalka Jarmalka ka hor sanad-guuradii 30-aad ee dhicitaanka Darbgii Berlin, ayaa sheegay in xisbiga Shuuciga ah ee China “uu adeegsado xeelado iyo habab uu muwaadiinta dalkaas ku cadaadiyo, kuwaas oo la mid ah kuwii Jarmalkii Bari”

Ayada oo u jawaabeysa Pompeo, ayaa Beijing waxay dhalleeceysay “weerarada naceybka ah ee aan saldhigga lahayn” ee Pompeo ku hayo dowladda China.

“Shakhsiyaad Mareykan ah ayaa isku dayaya inay dhisaan darbia dhinaca ra’yiga ah oo u dhaxeeya hay’adaha China iyo kuwa dibedda” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda China, Geng Shuang.

Geng ayaa ku eedeeyey Pompeo inuu iska indha-tirayo danaha dadka Mareykanka, isaga oo ceersanaya hadafyadiisa siyaasadeed ee shakhsiga, waxaana uu ku booriyey inuu “ka tago fikradiihiisa dhinaca u janjeero ee dagaalka-qabow ee waqtigiisa dhammaaday.”

AFP

XS
SM
MD
LG