Isku xirrada

War Deg-Deg ah

U.S. iyo Shiinaha oo heshiis hor-u-dhac ah ka gaaray muranka canshuuraha


Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa maanta sheegtay in ay Shiinaha iyo Mareykanka isku raaceen dib u dhigidda qeyb ka mid ah canshuurihii dheeraadka ahaa ee labada dalba uu midba midka kale ku soo rago alaabaha ay isku soo dhoofiyaan.

Afhayeen u hadlay wasaaraddaasi, Gao Feng ayaa shir jaraa’id ka sheegey in haddii wada xaajoodyayasha labada dhinac ay isku raacaan inay heshiis gaaraan, ay labada dal ee Mareykanka iyo Shiinuhuba yareyn doono si isku mid ah oo isku waqti ah canshuurta la saaro alaabaha ay isku soo dhoofiyaan.

Labaa dal ayaa dhowr jeer oo hore isku soo rogey canshuuraad dheeraad ah oo la saarayo alaabo ku kacaya balaayiin dollar.

La taliyaha dhinaca ganacsiga ee Aqalka Cad Peter Navarro ayaa VOA u sheegey in wajiga koowaad ee heshiiska uu noqon doono maareynta cabashada Mareykanka ee siyaasadda ganacsiga Shiinaha.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG