Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rag Sacuudiga u Jaajuusayay oo Mareykanka lagu Xiray


Loogada Twitter
Loogada Twitter

Saddex nin oo laba kamida u dhasheen Sacuudiga una shaqeynayay Shirkadda Twitter ayaa wajaha dacwad heer federaal, kaddib marki lagu eedeeyay in ay Sacuudiga u jaajuusayeen dadka barta twitter-ka ku dhaliila boqortooyada.

Maxkamad ku taallo magaalada San Fransisco ee dalkan Mareykanka, ayaa Arbacadi laga furay kiiska saddexdani nin, kuwaasoo la sheegay in ay dabagaleen oo ay arkeen cinwaannada dad isticmaala Twitter oo lagu sheegay in ay dhaliilaan ama wax ka sheegi jireen boqortooyada Sacuudiga.

Saddexdani nin ayaa kala ah Ahmad Abouammo oo heysta dhalashada Mareykanka, Ali Alzabarah iyo Ahmed Almutairi oo labaduba kasoo jeeda dalka Sacuudiga.

Jariiradda Washington Post ayaa warisay in Sacuudiga uu qabo kooxo barta Twitter-ka ka fulisa borabogaando lagu taageerayo boqortooyada, laguna beegsado dadka dhaliila.

Kooxdaas ayay sida ay wakaaladda wararak AFP sheegtay, waxaa madax u ahaa Saud al-Qahtani, oo ahaa gacanta midig ee dhaxalsuge Maxamed Bin Salman.

Ninkaan ayaa xilki uu u hayay boqortooyada laga xayuubiyay, kaddib marki uu door weyn ka ciyaaray dilkii wariye Jamal Kashoggi.Wixii markaasi ka danbeeyay lama arkin lamana oga halka uu ku danbeeyo.

Wargeyska New York times ayaa isna ku warramay, in Qahtani uu si gaara u abaabuli jiray kooxo mar qura twitter-ka hadallo ugu weerara dadka dhaliila Maxamed Bin Salman. Taas ayuuna ku kasbaday in loo bixiyo naaneysta "Mr Hashtag."

Bishii September, Shirkadda Twitter ayaa xirtay cinwaanno badan oo warar been abuur ah kasoo faafi jiray Sacuudiga, waxaa ku jiray cinwaanka Saud Al Qahtani oo ay ku xirnaayeen dad gaaraya 1.3 milyan oo qof.

Sacuudiga oo ay ku noolyihiin dad gaaraya 30 milan oo qof ayaa waxaa barta Twitter-ka adeegsada ilaa iyo 11 milyan oo qof. Sida ay sheegtay shirkadda cilmibaarista ee Talkwalker, ilaa iyo 70 boqolkiiba dadka Sacuudiga waxay isticmaalaan baraha bulshada ay iskula xiriirto.

XS
SM
MD
LG