Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal-ooge Ntaganda oo 30 sano lagu xakumay


Bosco Ntaganda oo fadhiya qolka maxkamadda ICCee dalka Netherlands, bishii July 8, 2019.

Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada, ayaa 30 sano oo xarig ah maanta ka xakuntay, hogaamiyihii hore ee jabhadda mucaaridka Congo, Bosco Ntaganda, kaddib marki lagu helay danbiyo ka dhan ah aadanaha.

Garsoorayaasha maxkamadda ICC, ayaa Ntaganda bishii Julu ku helay 18 danbi oo ay ku jiraan dil, kufsi, dumar la adoonsaday si loo kufsado iyo carruur uu askareeyay.

Maxkamaddan oo ku taalla magaalada Hague ee dalka Holland, ayaa marki ay isku dartay danbiyada lagu soo oogay ninkani, ay ciqaabteedu noqotay 218 sano, balse kusoo koobtay 30 sannadood.

Ntaganda ayaa xabsi lagu hayay tan iyo bishii March ee sannadki 2013-ki. Muddadaasi uu xirnaa ayaa laga jari doonaa 30-ka sano ee hadda lagu xakumay.

Inti ay socotay dhageysiga dacwadaha lagu soo oogay, Ntaganda waa uu inkiray inuu yahay dilaa iyo danbiile dagaal.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG