Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika oo Booqday Itoobiya


Gen. Stephen Townsend, midig, oo ku sugan Muqdisho.
Gen. Stephen Townsend, midig, oo ku sugan Muqdisho.

Taliyaha Ciidama Mareykanka ee Afrika Jeneral Stephen Townsend oo booqasho ku tagay Dalka Itoobiya ayaa la kulmay raiisul wasaaraha dalkaasi Dr. Abiy Ahmed iyo Jeneraal Berhanu Jula oo ah kuxigeenka taliyaha Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya.

Kulankan ay labada masuul yeesheen ayaa looga hadlay iskaashiga amni ee ay Mareykanku la leeyihiin Ethiopia. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay howlgalka Midowga Afrika, iyo xasilloonida muddada fog ee Bariga Afrika.

“Itoobiya waxay door muhiim ah ka ciyaartaa hoggaanka gobolka iyo qaaradda oo dhan,” ayuu yiri Townsend.

Wuxuu isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Itoobiya ay “qaadatay tallaabada la dagaalanka argagixisada iyo howlgallada nabad ilaalinta. Dadaalladan, oo ay weheliso rabitaankooda horumarinta iyo kobcinta awoodaha amniga, waxay gacan ka gaysatay abuuritaanka gobol nabdoon.”

Safiirka Mareykanka ee Itoobiya, Michael Raynor, ayaa la socday Townsend intii uu ku jiray kulamada. Mr. Raynor ayaa xusay in booqashada taliyaha ay hoosta ka xariiqeyso sida ay Mareykanka uga go'antahay taageeridda dadaallada dib-u-habeeynta ee ka socda Itoobiya.

XS
SM
MD
LG