Shacabka Koonfur Kuuriya ayaa si weyn u diiday dalabka madaxweynaha Mareykanka ee ah in xukuumadda Seoul ay kordhiso qeybteeda lacagaha ku baxa askarta Mareykanka ee jooga dalkaasi. Waxayse muujiyeen iney niyad wanaag u hayaan mustaqbalka xiriirka labada dal.
Cod aruurin uu sameeyey machadka ay dowladdu maalgeliso ee Korea Institute for National Unification (KINU) ayaa 9 boqolkiiba shacabka dalkaasi sheegeen inaaney dooneyn in dalkoodu uu sare u qaado qarashka uu ku bixiyo lacagaha lagu socodsiiyo howlaha sideed iyo labaatanka kun ee askari ee Mareykanka ka socda kuwaasi oo xarun ku leh dalkaasi.
75 boqolkiiba shacabka Kuuriyada Koonfureed ayaa aaminsan in aan waxba laga bedelin qarashka ay dowladdoodu haatan bixiso, halka 25 boqolkiiba ay dalbadeen in la yareeyo cadadka lacagta qeyb ahaan dalkoodu ku bixiyo ciidanka Mareykanka.
Mareykanka iyo Koonfur Kuuriya ayaa yeeshay laba wadaxaajood oo ku saabsan qeybsiga qarashaadka ku baxa askarta Mareykanka ee fadhiga ku leh dalkaasi. Heshiiska qeybsiga qarashaadka askartan ayaa dhacaya dhammaadka sanadkan.
Madaxweyne Trump ayaa la soo weriyey inuu doonayo in xukuumadda Seoul ay shan jibbaarto qarashka ay haatan ku bixiso howlaha ciidanka saldhigga ku leh dalkaasi.
Ra'yi aruurintan ayaa caddeyn u ah in kordhinta qarashka ay qeyb ahaan ku bixiso Koonfur Kuuriya joogista ciidanka Mareyka ay tahay mid aan siyaasad ahaan u wanaagsaneyn maamulka Madaxweyne Moon Jae-in ee dalkaasi.
Madaxweyne Trump ayaa in muddo ahba ku eedeeynayay Kuunfurta Kuuriya iyo wadamada kale ee xulufada ah iney ka faa’iideysanayaan Mareykanka. Wuxuu dhowr jeer ku celceliyey in Seoul ay u baahan tahay iney kor u qaaddo qeybta ay ka bixiso qarashaadka ku baxa askarta Mareykanka ee fadhiga ku leh dalkaasi.