Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudaaharaadyo ka dhan ah Mareykanka oo ka dhacay Iran


Kumanaan qof ayaa maanta ku mudaaharaaday afaafka hore ee dhismaha safaaraddii Mareykanku uu ku lahaa magaaladaTehran ee caasimadda dalka Iran.

Debedbaxyadan ayaa ujeedkoodu ahaa xuska 40-sano guuradii kasoo wareegtay markii koox arday Iiraaniyiin ah ay gudaha safaaradda afduub ahaan ugu qabsadeen 52 qof oo muwaadiniin Mareykan ah oo u badnaa diblamaasiyiin.

Mudaaharaadayaasha ayaa wattay boorar ay ku qornaayeen erayo ka dhan ah Mareykanka.

Telefeshinka qaranka Iran ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya in bannaanbaxyo kale oo la mid ah kan Tehran ay ka dheceen dhowr magaalo oo dalkaasi ah.

Khudbad uu ka jeediyay caasimadda Tehran ayuu taliyaha ciidanka qalabka sida ee Iran Jeneral Abdolrahim Mousavi ku sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono cadowtinimada uu u hayo Iran.

Xiriirka diblamaasi ee Mareykanka iyo Iran ayaa gaaray halkii ugu xumaa sanadkii 1979-kii, kadib markii koox arday ah oo Iiraaniyiin ah ay afduub u gaysteen 52 qof oo ka shaqeynayay safaaradda Mareykanka ee Tehran.

Muwaadiniinta Mareykanka ayaa laheystayaal u ahaa ardaydaasi muddo 444 maalmood ah, laga soo billaabo afarti November ee sannadki 1979, ilaa 20-ki Jannaayo samnnadki 1981.

XS
SM
MD
LG