Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Itoobiya: 78 qof oo ku geeriyooday rabshado


Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijisay in 78 qof lagu dilay isku dhacyo isir ku saleysan oo ka dhacay Gobolka Oromada, Gobolka Harari iyo magaalada Diridhabe.

Rabshadaha ayaa bilowday 23-kii Oktoober ka dib markii Jawaar Maxammed oo u dhaqdhaqaaqa Oromada uu ku eedeeyey ciidamada ammaanka iney maleegeen weerar isaga lagu beegsanayay taasi oo keentay in taageerayaashiisu ay ku mudaahaaraadaan dowladda.

Isku-dhacyada rabshadaha watay ayaa dhexmaray bannaanbaxayaasha, ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan qowmiyadaha kale ee deegaanka.

Billene Seyoum oo ah afhayeenka Reysulwasaare Aby Axmed ayaa Khamiistii wariyeyaasha u sheegtay in rabshadaha asbuucii hore ay ku dhinteen 78 qof oo rayid ah.

Afhayeenka ayaa sheegtay in 409 qof loo xiray iney ku lug lahaayeen isku dhacyadan.

Afhayeenka ayaa ku baaqday in si nabad ah looga wada xaajoodo dhibaatada taagan.

Reysulwasaare Aby Axmed ayaa tan iyo markii uu la wareegay talada dalka Itoobiya bishii Abriil ee sanadkii 2018-kii ogolaaday xorriyadda hadalka iyo banaanbaxyada aan rabshadaha wadan.

Seyoum ayaa sheegtay in rabshadahani ay khatar ku noqonayaan furfurnaanta siyaasadeed ee dalka taasi oo dhabarjab ku ah sida ay tiri “dalka iyo dadka Itoobiya.”

Jawaar Maxammed ayaa u sheegay VOA in xaaladdu ay u muuqato mid deggan. “Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in degenaanshaha uu soo laabtay inta badan magaalooyinka” ayuu yiri.

“Laba cisho ka hor, dhammaan hogaamiyeyaasha mucaaradka, duqeyda, hogaamiyeyaasha diimaha, iyo aniguba waxaan u baaqnay shacabka iney is dejiyaan oo guryahooda ku laabtaan. Dadku wey maqleen baaqeenna iyaga oo joojiyay mudaaharaadyadii. Sidaas darted, dhaqdhaqaaqii ganacsi dib ayuu u soo laabtay shalay” ayuu yiri Jawaar Maxammed.

XS
SM
MD
LG