Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nigeria: Dad laga soo bad baadiyay kaniisad ay ku xirnaayeen


Booliska dalka Nigeria ayaa sheegay iney soo badbaadiyeen 15 qof oo ku xirnaa kaniisad ku taalla magaalada Lagos. Howl-galkan ayaa qeyb ka ah olole qaran oo lagula dagaalamayo tacaddiga lagu eedeeyay qaar ka mid ah xarumaha diimaha ee dalkaasi.

Bala Elkana oo ah afhayeenka booliska ee magaalada Lagos ayaa sheegay in baarayaashu ay fiidnimadii Arbacada weerareen xarun lagu cibaadeysto, balse loo isticmaalo xabsi ahaan, ayna halkaas ka soo badbaadiyeen 15 oo rag iyo dumar isugu jira, kuwaas oo lugaha la isaga xiray.

Elkana ayaa sheegay in Khamiistii ay xabsiga u taxaabeen wadaadkii kaniisadda iyo toban qof oo kale. Dhibbanayaasha ayaa waxa halkaasi geeyey ehelladooda si looga daweeyo xanuunada maskaxda.

Wadaadka kaniisadda ayaa u sheegay booliska in uu xaruntaasi dadka ku daaweynayay ilaa sanadkii 1986-kii, islamarkaana uu dadka xarko ku xiro si aysan u baxsan.

Afhayeenka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhibbanayaashu ay kaniisadda ku xirnaayeen muddo ka badan 5 sano, ayna boolisku sii wadi doonaan baaritaanka arrintan.

Boqollaal dhibbaneyaal ah oo u badan caruur ayaa la soo badbaadiyay bishii hore.

Dalka Nigeria ayaa waxaa aad ugu badan daweynta cudurrada maskaxda iyo isticmaalka xad-dhaafka ah ee daroogada ee loo aado xarumaha diimaha ee dalkaasi kuwaas oo haatan lagu eedeynayo iney xad-gudub u gaystaan dhibbanayaasha.

Xigasho:AFP

XS
SM
MD
LG