Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Pompeo: Dunida waa inay ka hortagtaa China


Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ayaa sare usii qaaday hadallada ay Mareykanka ku weerarayaan xisbiga Shuuciga ee xukuma China, isaga oo sheegay in Beijing ay isku dayeyso inay dunida qabsato, loona baahan yahay in laga hortago.

Mike Pompeo ayaa hadalkan jeediyey ayada oo maamulka Trump uu sheegay inuu rejeynayo in wejigii koowaad ee heshiis laga soo geba-gebeynayo dagaalka ganacsi uu la saxiixdo China, bisha November.

Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka ay muddo ixtiraamayeen saaxiibtinimada dadka Shiinaha, hase yeeshee dowladda Shuuciga ah ee dalkaas aysan la mid ahayn shacabka.

“Waxay raadinayaan oo ay adeegsanayaan hab kasta oo caqabad ku ah Mareykanka, waxaana dunida oo dhan, innaga oo isku duuban, nalaga doonayaa inaan ka hortagno caqabadahan,” ayuu Pompeo ku yiri hadal uu u jeediyey machadka daraasaadka siyaasadda midigta ee Hudson Institute.

“Hadda kadib ma ahan garowshiyo in la iska indha tiro farqiga aas-aasiga ah ee u dhaxeeya labada hab iyo saameynta, iyo saameynta ay tani ku leedahay amniga qaranka.”

Toddobaadkii tagay, madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa khudbad uu jeediyey ku weeraray diiwaanka xuquuqda aadanaha Shiinaha, ganacsiga iyo xeeladaha ay dowladda Shiinaha adeegsato, si ay u saameyso dunida.

REUTERS

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG