Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkiga iyo Ruushka 'oo howlgallo wadajir ah ka bilaabaya' Suuriya


Madaxweyne Erdogan
Madaxweyne Erdogan

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in militeriga dalkiisa iyo kuwa Ruushka ay si wadajir ah howlo roondo ah uga sameyn doonaan waqooyi-bari dalka Suuriya, ka dib marka ay dagaalamayaasha Kurdiyiintu isaga baxaan aaggaasi, taasi oo qeyb ka ahayd heshiis ay madaxda Ruushka iyo Turkigu kala saxiixdeen.

“Waxa aan bilaabi doonnaa howlgal wadajir ah maalinta jimcaha ah” ayuu Erdogan ku sheegay khudbad laga baahiyay telefeshinnada dalkaasi maanta oo arbaca ah.

Heshiiskan ayaa dhigayay in ciidamada dalalka Turkiga iyo Ruushka ay si wadajir ah u roondeeyaan waqooyi-bari Suuriya iyadoo maleyshiyada Kurdidu ay kaga bexeen aagaasi waqtigii loo qabtay oo afar cisho ah kuna ekeyd talaadadii.

Heshiiskan Ruushka iyo Turkigu ay ku qeybsanayaan maamulka aaggan waqooyi-bari Suuriya ayay madaxweynayaasha labada dal todobaadkii hore ku gaareen magaalada kulaasha Badda Madow ee Sochi ee dalka Ruushka.

Wasiirka gaahaandhigga ee Ruushka ayaa talaadadii sheegay in tobonaan kun oo ah dagaalamayaasha Kurdiyiinta ay dhameystireen ka bixistooda aggaasi.

Hase ahaatee Erdogan ayaa sheegaya inuu hayo xogo ah in ka bixitaanka Kurdiyiinta ee aaggaasi aanan si buuxda loo fulinin.

Weerar uu Turkigu ku qaaday waqooyi-bari Suuriya ayaa dhamaaday ka dib heshiiska ay wada gaareen madaxweynayaasha Turkiga iyo Ruushka. Hase ahaatee Erdogan ayaa hoosta ka xarriqay in Turkigu uu xaq u leeyahay inuu qaado howlgallo u gaar ah waa haddii buu yiri ay xooggaga Kurdiyiintu sii joogaan aaggaasi amaba ciidamada dalkiisu ay la kulmaan weeraro.

Ciidamada Kurdiyiinta Suuriya ayaa ahaa xoogag xulufo la ahaa isbahaysigii uu Mareykanku hoggaaminayay ee muddo 5 sano ah ka waday Suuriya howlgal military oo lagu jebiyey kooxda ISIS.

Horraantii bishan ayaa Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxa uu si kedis ah ugu dhawaaqay ka soo bixitaanka ciidamada Mareykanka ee waqooyi-bari Suuriya taasi oo albaabka u furtay in ciidamada Turkigu ay aaggaasi weeraraan.

Kurdiyiinta ayaa islamarkiiba raadiyay caawinaadda dowladda Ruushka iyo maamulka Bishaar Al-Assad ee fadhigiisu yahay magaalada Dimishiq.

XS
SM
MD
LG