Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kobaca dhaqaalaha Mareykanka oo sii yaraaday


Kobaca dhaqaalaha Mareykanka ayaa u muuqda inuu hoos u dhacay rubacii saddexaad ee sanadkan, sababo la xiriira shacabka oo hoos u dhigay lacagta ay qarash gareeyaan iyo maal-gelinta ganacsi oo yaraatay.

Kobaca dhaqaalaha ee rubacii saddexaad ee sanadka ee July illaa September ayaa ahaa kaliya 1.6%, halka uu rubacii labaad ee sanadka ee April illaa June uu ka ahaa 2.0%.

Tallaabadan ayaa horseedi karta in Bankiga Dhexe uu dhimo heerka dul-saarka markii saddexaad sanadkan maanta, si sare loogu qaado kobaca dhaqaalaha.

Warbixin kasoo baxday wasaaradda ganacsiga ayaa muujineysa in wax soo saraka gudaha uu liito balse illaa iyo hadda aan lagu dhoweyn bur-bur dhaqaale.

Dhaqaalaha ayaa waxaa dhaawac xooggan gaarsiiyey dagaalka ganacsi ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Shiinaha oo hadda 15 bilood jirsaday.

Waxaa sidoo kale sii yaraanaya saameynta canshuur-dhimis ku kaceysay 1.5 trillion oo dollar oo la sameeyey sanaddii tagtay, iyo kobaca guud ee dhaqaalaha dunida oo aad u liita.

REUTERS

XS
SM
MD
LG