Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Hoose oo Ayiday Xasuuqi Armenia


Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa xalay cod aqlabiyad leh si rasmi ah xasuuq ugu aqoonsaday, dil-wadareedki ay Imbaraatooriyaddii Cusmaaniyiinta u geystay Armeeniyiinti ku nooleyd Anatoliya oo hadda dhulka loo yaqaano Turkey.

Ilaa iyo 405 mudane ayaa haa ugu codeysay, halka 11 kaliyah ay ka aamustay ama diidday. Waxana tallaabadan loo arkaa mid uu goluhu jawaab ugu dirayo Turkiga oo ku dhawaad hal qarni diidanaa in wixi ku dhacay dadki reer Armenia aysan aheyn xasuuq.

Inkasta oo ay madaxweynayaal hore oo Mareykan ah ay dikereetooyin ku aqoonsadeen in uu xasuuq ku dhacay dadka reer Armenia, hadana waxay noqotay marki ugu horreysay oo uu Koongareeska Mareykanka si aqlabiyad leh u aqoonsado. Lama oga inuu Golaha Senetka ku waafaqi doono iyo in kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa markiiba cambaareeyay tallaabadan, ku tilmaamay go’aan ceyb ah oo aanan sinnaba ugu cuntamin shacabka iyo dowladda Turkiga.

Wuxuu intaasi ku daray in qaraarka Koongareeska uu yahay mid ay dowladda Turkiga uga aar-gudanayaan duullaanka ay Ankara ku qaadday waqooyiga Suuriya.

Taariikhyahannada ayaa sheegaya in ku dhawaad 1 milyan iyo 500 oo kun oo Armeeniyiin ah ay ku dhinteen gacanta Khilaafadi hore ee Islaamka ee Cusmaaniyiinta inti u dhaxeysay 1915-ki ilaa 1923. Turkiga ayaa ku andacooda in dadkaasi ay ka mid ahaayeen malaayiinti ku dhimatay dagaalki 1-aad ee dunida, sidoo kalana ay intooda badani ku dhinteen gacanta ciidamadi Ruushka ee qeybta ka ahaa dagaalki 1-aad ee dunida.


XS
SM
MD
LG