Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin lagu bad-baadinayey xeebaha Libya oo la rasaaseeyey


Hay’adda aan dowliga ahayn ee Jarmalka ee Sea-Eye ayaa baahisay muuqaal ay sheegtay inuu muujinayo rag saaran doon laga leeyahay Libya oo rasaas kusoo furay, xilli ay isku dayayeen inay bad-baadiyaan muhaajiriin halis ku wajayey badda Meditareeniyaanka.

Dhacadadan ayaa dhacday sabtidii (26-kii October), ayada oo xubnaha hay’adda Sea-Eye ay saarnaayeen doon yar oo laga soo dejiyey markabka Alan Kurdi, islamarkaana isku dayeysay inay soo qaadaan 90 muhaajiriin ah oo doontoodii oo bac ka sameysneyd ay aaryo baxeysay.

Kadib ayaa doon xawaare dheereysa oo uu ka taagan yahay calanka Libya, islamarkaana uu dul saaran yahay nin sita qori daran-doori u dhaca waxay timid goobtii lagu bad-baadinayey muhaajiriinta. Dhowaqa rasaas ayaa laga maqli karay muuqaalka.

Qaar ka mid ah muhaajiriinta ayaa la saaray doontii Libyan-ka, hase yeeshee qaar kale ayaa la arkayey ayaga oo ka boodaya doontoodii una dabaalanaya si ay u gaaraan markabka Alan Kurdi.

Sea-Eye ayaa bayaan ay goor dambe soo saartay ku sheegtay in dhammaan 90-ka qof lasoo bad-baadiyey, lana saaray markabka Alan Kurdi, hase yeeshee doontii Libyan-ka ay kadib kaxeysatay qaar ka mid ah muhaajiriinta

Wasiirada arrimaha gudaha shan dal oo ka mid ah Midowga Yurub ayaa bishii tagtay sheegay inay isku raaceen qorshe ay ku qeybsanayaan muhaajiriinta laga soo bad-baadiyo badda Meditareeniyaanka, heshiiskan oo looga gol leeyahay in culeyska looga qaado dalalka ku yaalla Koonfurta Yurub ee ka tirsan Midowga Yurub.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG