Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Iraq oo toogasho ku dilay dibad-baxayaal


Ciidamada ammaanka Iraq ayaa xalay dilay ugu yaraan 14 qof kadib weerar ay ku qaadeen dibad-baxayaal ku sugnaa magaalada Karbala.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in boqolaal kale la dhaawacay, ayada oo banaan-baxyada ka dhanka ah dowladda ay galeen maalintii shanaad oo xiriir ah.

Dibad-baxayaasha ayaa jebiyey bandow cusub kadib markii mas’uuliyiinta Iraq ay shacabka amreen inaysan isugu bixi karin waddooyinka, laga billaabo saqda dhexe illaa 6 subaxnimo.

Sadex qof oo kale ayaa Isniintii lagu dilay, ayada oo boqolaal lagu dhaawacay isku dhac dhex maray booliska iyo dibad-baxayaasha.

Tallaabo baarlamanka uu qaaday oo lagu ansixiyey sharci joojinaya mudnaanta iyo lacagaha gunnada ah ee la siiyo siyaasiyiinta sare, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, ayaan waxba ka tarin inuu dejiyo dibad-baxayaasha.

Ardayda iyo dibad-baxayaasha kale ayaa ka carreysan musuq-maasuq lagu eedeeyey dowladda, kobac la’aanta dhaqaalaha iyo adeeg xumada dowladda, inkasta oo Iraq ay qani ku tahay saliidda.

Warreegii ugu dambeeyey ee dibad-baxyada ee Baghdad iyo magaalooyinka kale ee Ciraq ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 86 qof tan iyo Jimcihii. Tiradan ayaa ku kordheysa ku dhowaad 150 qof oo kale oo la dilay horaantii bishan.

XS
SM
MD
LG