Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibad-baxyada Lebanon oo galay toddobaadkii labaad


Dibad-baxyada aan caadiga ahayn ee ka socda dalka Lebanon ayaa galay toddobaadkii labaad, ayada oo banaan-baxayaasha ay iska indho-tireen ciidamada, si ay xannibaan waddooyinka.

Waxa ay dalbanayaan isbeddel buuxa lagu sameeyo hanaanka siyaasadda dalka.

Mudaaharaadyada ayaa waxaa horseeday carro ka dhalatay canshuur ay dowladda soo jeedisay 17-kii October inay saareyso app-yada fariin qoraaleedyada loo adeegsado sida WhatsApp iyo Facebook Messenger.

Shacabka ayaa meel iska dhigay kala-qeybsanaantii diimeed, ayaga oo u midoobay inay diidaan hanaan siyaasadeed oo loo arko mid musuq-maasuq ah oo bur-buray.

Dibad-baxayaasha ayaa maanta jidgooyooyin ka sameeyey magaalada caasimadda ah ee Beirut, sida ay warbaahinta Lebanon ku warrameen.

Ra’iisul wasaare Saad Hariiri ayaa soo bandhigay barnaamij isbeddelo oo ay ku jirto dhimista mushaharka wasiirada, hase yeeshee dibad-baxyada ayaa sii socday waxayna haleekeeyeen Beirut iyo magaalooyinka kale ee waa weyn.

Dowladda Mareykanka ayaa arbacadii ugu baaqday hogaamiyayaasha Lebanon inay wax ka qabtaan cabashooyinka “sharciga ah” ee muwaadiniinta.

AFP

XS
SM
MD
LG