Dalka Ethiopia waxaa maanta ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo tallaabada dowladda Itoobiya ay ku dooneyso inay ilaalada kala noqoto Jawaar Maxamed.
Jawaar oo leh shirkad warbaahineed, ayaa ah nin saameyn weyn ku leh siyaasadda Itoobiya, islamarkaana u dooda xuquuqda qowmiyadda Oromada.
Boqolaal taageerayashiisa ah ayaa saakay dibad bax ka dhigay Gurigiisa, oo ay ku hareereysanyihiin ciidamada ammaanka.
Warbixintan waxaa inoo soo koobaya Ibrahim Xassan Dandureey.
Facebook Forum