Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Justin Trudeau oo ku guuleystay doorashada Canada


Justin Trudeau
Justin Trudeau

Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa maanta guulo ka sheegtay doorashadii dhacday isniintii, isaga oo mar labaad loo doortay inuu dalka hoggaamiyo kadib markii xisbigiisa Liberal-ka ay baarlamanka ka heleen codad ku filan si uu usii ahaado xisbiga talada haya.

Sida uu shaaciyey taleefishinka CBC ee Canada, xisbiga Liberal-ka ee uu hoggaamiyo Trudeau ayaa la filayaa inuu ku guuleystay 157 kursi oo ka mid ah baarlamanka, taasi oo waxyar ka yar 170-ka kursi ee uu u baahan yahay si uu u helo aqlabiyad.

Si kastaba, Trudeau ayaa soo dhisi doona dowlad isbahaysi ah oo ay qeyb ka yihiin xubnaha xisbiga garabka bidix ee New Democrats oo helay 24 kursi.

“Xeeb ka xeeb, dadka Canadian-ka waxay diideen kala qeybsanaanta iyo si xun wax u aragga” ayuu Trudeau ka hor yiri kumanaan taageerayaal ah oo uu kula hadlay xaruntiisa doorashada ee magaalada Montreal.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo Trudeau ay iskula dhaceen arrimaha ganacsiga iyo isbeddelka cimilada ayaa u hambalyeeyey ra’iisul wasaaraha, isaga oo bartiisa twitter soo dhigay “Guul cajiib ah oo adkeyd, Canada si wanaagsan ayaa loogu adeegay.”

Warkii ugu dambeeyay ayaa Falastiin Axmed Iimaan waxay ka wareysatay weriye Xuseen Nuur Xaaji oo ku sugan Toronto.

Doorashada Kanada
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:31 0:00


XS
SM
MD
LG