Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciraq: Ciidamada Mareykanka ma haystaan fasax joogitaan


Ciidamada Mareykanka ee ka baxay Syria, una tallaabay Ciraq, ma haystaan wax fasax ah oo ay dalkaas ku joogaan, waxaana ay halkaas ku joogaan si ku-meel gaar ah, waxaa sidaas maanta sheegtay militariga Ciraq.

Bayaanka kasoo baxay Ciraq ayaa burinaya hadalka Pentagon-ka Mareykanka ee ah in ku dhowaadka 1,000 askari ee ka baxay waqooyiga Syria ay degi doonaan galbeedka Ciraq, halkaasi oo ay kasii wadi doonaan dagalka ka dhanka ah Daacish.

“Dhammaan ciidamada Mareykanka ee kasoo baxay Syria, waxaa fasax loo siiyey inay soo galaan gobolka Kurdistan, si ay halkaas ugu nagaadaan inta ay uga sii gudbayaan meel ka baxsan Ciraq. Ma jiro wax fasax ah oo loo siiyey inay si rasmi ah u joogaan Ciraq” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay, militariga Ciraq.

Ilaa iyo hadda ma cadda haddii ciidamada Mareykanka ay Ciraq ka dhigan doonaan saldhig ay ka qaadaan weeraro ka dhan ah kooxda Daacish ee Syria.

Ciidamada Mareykanka ee shalay gaaray Ciraq, ayaa ku biiraya 5,000 oo askar Mareykan ah oo horey u joogay Ciraq, kuwaasi oo tababara ciidamada Ciraq, kana caawiya in kooxda Daacish aysan dib usoo rogaal celin.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG