Doorashooyinka guud ayaa ka dhacaya dalka Canada maanta, iyadoo ra’yiga laga qaaday dadweynaha ay muujinayaan in ra’iisul wasaare Justin Trudeau uu wajahayo loolan adag.
Codadka ra’yiga ee doorashada ka hor ayaa muujiyey in Ra’iisul Wasaaraha talada haya Justin Trudeau oo hoggaamiya Xisbiga Afkaartiisu Furan tahay ee Liberal-ka iyo hoggaamiyaha xibsiga muxaafidka Andrew Scheer ay aad isugu dhow yihiin.
Caafimaadka iyo is-beddelka cimilada, shaqooyinka iyo arrimaha qaxootiga ayaa ka mid ah qodobada ay aadka u danaynayaan shacabka ee codadkooda ay ku salleynayaan.
Warbixintan waxaa noo soo diray Xuseen Nuur Xaaji oo ku sugan Toronto.
Facebook Forum