Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga: Carro ka dhalatay canshuur la saaray shiishadda


Go’aan canshuur 100% ah loogu soo rogay maqaayadaha Sacuudiga ee iibiaya shiishadda ayaa dhalleeceyn xooggan ka dhaliyey baraha bulshada dalkaas, oo shiishadda ay caan ka tahay.

Carrada ayaa waxaa sidoo kale sare u qaaday jahwareer ka taagan sida canshuurtan loo dhaqan gelinayo.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah maqaayadaha ayaa joojiyey iibka shiishadda, halka qaar kalena ay sameeyeen qiimo dhimis, si ay u qanciyaan macaamiisha.

Wargeyska rasmiga ah ee dowladda ayaa horraantii bishan sheegay in canshuurta la saari doono dhammaan tobaakada.

Si kastaba, go’aanka wasaaradda dowladda hoose iyo miyiga ayaa lagu sheegay in canshuurta la saari doono “dhammaan dakhliga ganacsiyada iibiya tobaakada”.

Milkiilayaasha maqaayado dhowr ah ayaa AFP u sheegay inay rumeysan yahiin in canshuurta 100% ay saaran tahay dhammaan iibka cunnooyinka, haddii ay ku jirto shiishadda iyo haddii kaleba, marba hadidi maqaayadda ay iibiso shiishad.

Dadweyne badan ayaa baraha bulshada soo dhigay resiidyo ay ka muuqdaan canshuur 100% ah, oo ay sii dheer tahay canshuurtii hore ee ee VAT oo 5% ahayd.

Waxaa jira warar sheegaya in ujeedka canshuurtan cusub looga dan leeyahay ay tahay in lagu ilaaliyo caafimaadka bulshada.

AFP

XS
SM
MD
LG