Midowga Yurub ayaa sheegay inay warqad cusub ka heleen Biritan taasi oo codsanaysay in dib loo dhigo ka bixitaanka Biritan ee midowgaasi ilaa bisha 31-ka Jannaayo 2020-ka kadib markii baarlamaanka waddankaasi uu cod sidaasi ku ansixiyey.
Ra’iisul Wasaaraha xilligan talada haya Boris Johnson ayaa dhowr goor ku celceliyey inuu waddankaasi ka saari doono Midowga Yurub - heshiis iyo heshiis la’aanba 31-ka Oktoobar oo ay inaga xigto 11 maalmood.
Maxamed Cabdi Xasan Sandheere ayaa warqaddan Midowga Yurub loo diray ka waraystay Maxamed Ibraahim Hereri oo ka faallooda arrimaha Biritan.